Wednesday, January 15, 2025

Ciidamada Koonfur Galbeed oo markale weeraray Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Macawiisleyda.

Dagaal xoogan ayaa xalay markale waxaa uu ka dhacay wadada xiriirsa degmada Walanweyn iyo degaanka Yaaqbariwyen ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Macawiisleyda.

Dagaalka ayaa waxaa u ka dambeeyay kadib markii Ciidamada koonfur Galbeed ay weerareen Bar-koontorool oo Ciidamada Macawiisleyda ay ku leeyihiin Tuulada Kalajaan ee ku taalla wadada aada dhinaca degaanka Yaaqbariweyne, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaatay saacado.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, kaas oo kala gaaray labada dhinac, waxaana saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ee howlgalka hoggaaminayay ay sheegeen inay qaadeen Isbaaro u taallay Ciidamada degaanka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay, waxaana la sheegay in Ciidamada Koonfur Galbeed ay la wareegeen Goobihii lagu dagaalamay.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Macawiisleyda deganka Yaaqbariweyne ayaa u muuqda mid isku bedelayo dagaal Beeleed, waxaana shalay Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow uu sheegay in dagaal qabiileysan lagu soo qaaday Ciidamadii uu la dagaalanka Al-Shabaab u geeyay degaanka Yaaqbariweyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles