Tuesday, July 1, 2025

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya Bishan barakeysan ee Ramadan.
Hey’adaha amniga ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga gaaray amniga guud ee caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, waxaanna lagu falaanqeeyay sidii hey’addaha amnigu ay si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen sugidda amniga iyo kor-u qadidda wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ku nool caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku ammaanay hey’adaha amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isaga oo faray hey’adaha iyo maamulka gobolka Banaadir inay kor u sii qaadaan dadaallada lagu horumarinayo nabadgelyada caasimadda, maadaama kooxaha Khawaarijta ah wakhtigoodu gabaabsi yahay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles