Monday, June 30, 2025

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗹𝗸𝗮 𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘄𝗮𝗿𝗲𝗲𝗷𝗶𝘆𝗮𝘆 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛.

Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeyta, Mudane Cilmi Maxamud Nuur iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Hawlaha Guud ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka.

Mudane Xamsa ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore oo hadda noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labbaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles