Shirka la tashiga bulshada balcad ee arimaha dastuurka iyo soo jeedinta wax ka bedelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee dastuurka ku meel gaarka ah oo lagu qabtay xarunta maamulka degmada balcad.
Kulankaan waxaa soo qaban qaabiyay hay adaha u xilsaaran dib u eegista dastuurka sida gudiga la socodka dastuurka JFS iyo gudiga madaxa banaan ee ee dib u eegista & hergelinta dastuurka ,waxaana hogaaminaaye wasiirkii hore ee arimaha gudaha dowlad gobleedka hirshabelle maxamed cali caadle iyo xubanaha gudiyada.
waxaa kaso qeyb galay nabadoono , wax garad,ururka haweenka iyo maamulka degmada balcad.
dhanka kale wasiiro iyo xildhibaano hore hada xubno ka ah gudiga aya sharaxay muhiimada kulanka .
ujeedka kullankaan ayaa ahaa la tashiga bulshada reer balcad ee dowlad gobleedka hirshabele dhameystirka dastuurka.
maamulka degmada balcad iyo bulshada degmada ayaa soo dhaweeyay kullnakaan muhiimka ahaa ee looga hadlay dastuurka iyo wax ka bedelkiisa.
ugu dambeyn kulamadaan la tashiga bulshada ayaa ka socda maamul gobleedyada dalka sida koon fur galbeed oo ka furay iyo galmudug sido kale deegaanada hirshabeele ayaa lagu wadaa inuu wada gaaro sida ay sheegeen masuuliyiinta iyo gudiyada soo agaasimay kulanka.