Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo diiradda lagu saaray u-diyaargarowga El Niรฑo 2026โ2027 iyo xoojinta isku-duwid ay Dowladda u dhantahay.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niรฑo 2026โ2027, oo ah qorshe mideynaya dadaallada iyo masuuliyadaha hayโadaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose, si loo xaqiijiyo diyaar-garow isku-duwan oo ay asaas u tahay saadaasha iyo digniinta.
Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niรฑo ayaa maanta la ansixiyay, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan hayโadaha ay si wadajir ah uga shaqeeyaan diyaar-garowga, tallaabooyinka horudhaca ah, ka jawaabida iyo soo-kabashada.
Qorshahan ayaa xoojinaya Isku-duwid ay dowladda u dhantahay, nidaamyada digniinta hore iyo la socodka khataraha, iyo Ilaalinta dadka, xoolaha, beeraha, biyaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku adkeeyay dhammaan hawl-wadeennada in awaamiirtan si hufan oo degdeg ah loo fuliyo, si loo xaqiijiyo isku-duwidda shaqada, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta natiijooyinka la filayo.




