Friday, July 4, 2025

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐥𝐚𝐛𝐨 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku saabsan hirgalinta hindisaha horumarinta Adduunka, iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029) iyo Bulshada Bariga Afrika. Waxaa kale oo warbixin laga dhagaystay Wasaaradda Beeraha oo ka warbixisay wax-soo saarka dalka iyo xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles