Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay bayaanka taariikhiga ah ee kasoo baxay dowladda Faransiiska, kaasi oo ay ku muujisay in ay damacsan tahay inay si rasmi ah u aqoonsato Dowladda Falastiin.
Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabada Faransiiska ay tahay mid muhiim ah oo xaqiijinaysa xuquuqda shacabka Falastiin ee ah inay masiirkooda ka tashadaan, ayna dhistaan dowlad madax-bannaan oo si buuxda u leedahay karaamadeeda iyo qaranimadeeda.
