Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday eedeysayaal ka tirsanaa koox falal dil, dhaawac iyo dhac ah ka geysatay caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u sheegay in dable Xoogga Cabdiraxmaan Nuur Axmed (Nashqadeeye) lagu xukumay dil toogasho ah (qisaas), kaddib markii lagu helay dilkii Marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim, oo ahaa Guddoomiyaha Waaxda Dalxiiska Degmada Dayniile. Dilkaasi ayaa dhacay 7-dii bishii Juun ee sanadkan. Sidoo kale, maxkamaddu waxay ku xukuntay inuu bixiyo Mobile Iphone Mini iyo bistoolad Biljim ah oo uu ka dhacay marxuumka.
Maxkamaddu waxay sidoo kale Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, Maxamed Abuukar Cabdulle (Yake), Nuur Cabdiqaadir Aadan (Dhiinka) iyo Jibriil Xasan Maxamed Cali (Waji Caag) ku wada xukuntay min 5 sano oo xabsi ciidan ah iyo Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna Qabad) lagu xukumay 3 sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamaddu waxay amartay in dhammaan eedeysanayaashaasi ay bixiyaan moobeelladii iyo hantidii ay ka dhaceen dhibaneyaasha. Sidoo kale, Xasan Bile iyo Wadna Qabad ayaa si gaar ah loogu xukumay inay bixiyaan magta iyo kharashka ku baxay dhibaneyaasha ay dhaawaca u geysteen.
Dhanka kale maxkamada ciidamada ayaa xabsi ku xukuntay xubnahan.
Cabdishakuur Eelaay (maqane) iyo Cabdishakuur Cumar Xaashi (Cadde Seyga – maqane) ayaa lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.
Maxamuud Cabdulle Maxamuud (Maan-Daguuro) waxaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ciidan ah.
Halka Saabir Cabdinaasir Saalim (Saabka) ay maxkamaddu siisay xorriyaddiisa.




