Maxkamadda Gobolka Banaadir , ayaa xukun adag oo xabsi ah iyo ganaax lacageed ku riday Caasho Macallin Mursal, oo lagu eedeeyay maalgelinta kooxaha argagaxisada ah iyo in lacago badan la marsiiyay akoon gaar ah oo ay laheyd.
Gabadhan, ayaa xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka kusoo eedeeyay in ay katirsan tahay kooxda Al Shabaab, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay maalgelinta kooxaha argagaxisada, iyada oo la sheegay in akoonkeeda la dhax marsiiyay lacag gaareysa 2,120,621 (Labo Milyan ,boqol iyo labatan kun , lix boqol kow iyo labaatan dollar.
Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaana ku xukuntay Caasho Macallin Mursal 16 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 20 kun oo dollar, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay waxii lacag ah oo akoonka gabadhaasi ku jiray.





