Shan iyo tobanka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka arrinsaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland xalay.
Xubanaha ayaa intii ay dooddu socotay waxay ay cadeeyeen taageero ay u muujiyeen midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Safiirka ku xigeenka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce ayaa sheegtay in siyaasadda Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya aysan waxba iska badalin.
Sidoo kale ergeyga Ingiriiska ayaa sheegay in “Ingiriisku uu xaqiijinayo taageeradiisa midnimada, madaxbanaanida dhuleed iyo siyaasadeed iyo siyaadada Soomaaliya”.
Soomaaliya oo kulankaan ku matalaysay wadamada Algeria, Guyana iyo Sierra Leone, ayaa si adag u cambaareysay tallabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, iyada oo ku tilmaanatay “xadgudubka aan loo meel dayin” ee Israa”iil kula kacday midnimada iyo madaxbanaanida dhulkooda”.
“Tallaabo kasta oo ku aadan aqoonsiga Somaliland waa waxba kama jiraan”, ayuu yiri danjire Abuukar Baalle oo Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.
“Tallaabo kasta oo ku aadan aqoonsiga Somaliland waa waxba kama jiraan”, ayuu yiri danjire Abuukar Baalle oo Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.
Sidoo kale waxaa kulanka ku sugnaa ilaa afar waddan oo aan ka mid ahayn xubnaha golaha ammaanka, balse codsaday in ay ku biiraan shirka maadaama ay daneeyaan arimaha Soomalaiya.
Waxaana ay kala yihiin wadamada Turkiga, Masar, Djibouti iyo South Africa.
Ergeyga Djibouti ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay si indho la’aan ah ugu xadgudbeyso shuruucda golaha.
“Go’aankan wuxuu si toos ah ugu xadgudbayaa xeerarka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay iyo mabaadi’da sharciga,” ayuu yiri ergayga Jabuuti, oo sheegay in sharciyada lagu xadgubay ay ka mid yihiin kuwa ku jira qoraallada aasaaska u ah Midowga Afrika iyo axdigiisa aasaasiga ah.
“Go’aanka mas’uuliyad-darro ee Israa’iil ayaa si si bareer ah u jebinaya Axdiga Qaramada Midoobay, si islawayni ahna u caqabadaynaya awoodda Golaha, isla markaana khatar gelinaya tiirarka nidaamka sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri ergeyga Djibouti.
Dhanka kale Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabada Israa’iil mid ‘khatar toosa ah’ oo ku wajahan xubin ka tirsan Jaamacadda Carabta.
“Waxay xasillooni-darro ka abuureysaa Geeska Afrika, isla markaana si weyn u wiiqaan amniga gobolka ee isku xiran ee Carabta iyo Afrika,” ayuu yiri ergeyga Turkiga.
Isaga oo hadalkiisa sii raaciyay “Ku dhawaaqista Israa’iil waa tusaale kale oo ka mid ah falalka sharci-darrada ah ee xukuumadda Netanyahu ee lagu doonayo in lagu abuuro xasillooni-darro, heer gobol iyo heer caalami labadaba”.
Sidoo kale ergeyga kormeeraha Joogtada ah ee Jaamacadda Dowladaha Carabta oo goobta ka hadlay ayaa ku eedeeyay Israa’iil “in go’aankaan ay uga gol leedahay sidii ay u barakicin leheed Falastiiniyiinta ku dhaqan Gaza”.
“Israa’iil waxay doonaysaa inay arrintan u adeegsato marmarsiiyo si ay si sharci-darro ah ugu joogto dhulka Soomaaliyeed, iyadoo ku hormarinaysa ajandayaal siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo si fiican loo garanayo, kuwaas oo aan la aqbali karin lana cambaareeyay,” ayuu yiri.
Balse safiir ku xigeen Maraykanka ayaa difaacay Israa’iil iyada oo sheegtay “in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay samaysato xiriiro diblumaasiyadeed, sida waddan walba oo madaxbanaan uu xaq ugu leeyahay oo kale”.
Khaled Khiari, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Aasiya iyo Baasifigga, Waaxyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda, iyo Hawlgallada Nabadda ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada daneeya Soomaaliya in ay isku dayaan in arrinkaan lagu dayo wadahadalo nabadeed oo wax dhisaya iyada oo la cuskanayo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii wadahadalada Soomaaliya iyo Somliland ee ka dhacay Djibouti.
Israa’iil ayaa waxa ay jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqday in ay dal madaxbanana u aqoonsatay Somaliland. Ra’iisalwasaare Benjamin Netanyahu ayaa hadalkaan ku dhawaaqay isaga oo qadka taleefanka kula hadlayay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Ciro oo ay wehliyaan golahiisa wasiirada.
ku dhawaaqistaas ayaa waxa ka carooday Soomaaliya, taas oo madaxweynaha iyo golha baarlamaankuba ay ku tilmaameen mid xad-gudub ku ah madaxbanaanida dalka.
Balse gudaha Somaliland, aad ayaa looga soo dhaweeyay, waxaana ka dhacay isu soo baxyo lagu taageerayay.




