Thursday, July 31, 2025

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan dalka Shiinaha, ayaa maanta ka qayb galay tababar Aqoon is-weydaarsi ah uga bilaamay magaalada Beijing kaas oo socon doona muddo 6 cisho ah.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha iyo Xarunta Iskaashiga Caalimiga ah, ee guddiga horumarinta iyo dib-u-habaynta qaran Shiinaha.

Intaas kadib, Waxaa furitaanka tababarka hadalo kooban ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ka socday labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka xukuummadda JFS.

Ugu dambeyntii, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha ayaa guddoonsiyey hadyad ka turjumeysa dhaqanka Soomaaliya Agaasimaha Guud ee Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah, Guddiga Qaranka Horumarinta iyo Dib-u-habaynta, Jamhuuriyadda Shiinaha Marwo Qui Ainun.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles