Sunday, November 16, 2025

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Soomaaliya oo Martigeliyey Kulan Dhexmaray WFP iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa marti-geliyay kulan ay ka soo qaybgaleen madax sare oo ka kala socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray Natiijada Baarista Maaliyadeed iyo fulinta talooyinka Hantidhowr ee 2024, si gaar ah Mashruuca Baxnaano oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka.

Kulanka ayaa si faahfaahsan looga dooday hannaanka wadaagista xogta ka faa’iideystayaasha iyo caddeynta lacagaha la bixiyay ee ku jira warbixinta Maaliyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2024. Sidoo kale, Madaxa WFP ee Soomaaliya El Khidir Daloum Mohamud Ahmed, ayaa faahfaahin ka bixiyey nidaamka xakamaynta gudaha, habraacyada maaliyadeed, iyo qorshaha fulinta ee WFP, iyada oo uu muujiyey sida Barnaamijka Cuntada Adduunku diyaar ugu yahay una soo dhoweynayo in si hufan oo wax-ku-ool ah uu ula shaqeeyo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaalia.

Kaddib falanqeyn iyo dood waxtar leh Xafiisyada Hantidhowrka, Xisaabiyaha Guud iyo hay’adda WFP waxa ay isla qaateen in Guddi Farsamo, oo ay kujirto Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ay ka howlgalaan, talo farsamana ay ka keenaan habka wadaagista Xogta Ka-faa’iideystayaasha Kaalmada Bulsho ee Mashruuca Baxnaano iyo fulinta dhammaan talooyinka Hantidhowrka Guud.

Hantidhowraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud waxa ay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) uga mahadceliyeen Jawaab-celinta degdegga ah ee la xariirta Natiijada Baarista Maaliyadeed iyo fulinta talooyinka Hantidhowr ee 2024.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles