Koox hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa xalay gudaha magaalada Dhuusamareeb ku dishay wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Nuur Aadan Guunbe.
Falkaan dilka ah ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Dayax ee magaalada, Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Kooxdii geysatay dilka ayaa markiiba ka baxsatay goobta, iyaga oo aan wax iska caabin ah la kulmin.
Ciidamada ammaanka ee Dhuusamareeb ayaa markiiba gaaray Xaafadda Dayax, waxayna isla goobta ka bilaabeen baaritaano xooggan iyo howlgalo lagu raadinayo kooxdii ka dambeysay falkaasi.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli habeenadii u dambeeyey si weyn loo dareemayey in amniga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb uu sii xumaanayey, waxaana jiray cabsi weyn oo laga qabay kororka falalka joogtada ah ee amni-darrada.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada ammaanka ee Galmudug oo ku saabsan in gacanta lagu soo dhigay dadkii ka dambeeyay dilka Nuur Aadan Guunbe




