Monday, October 13, 2025

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka difaaca ee dalka Sweden.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo amniga.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles