Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, guddoonsiiyey haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta, oo ay qayb ka ahayd Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha ka siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan marxaladii uu soo maray Matxafka Nabadda ee Carta, kaasoo 30-kii October si wadajir ah u daah furey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geele. Wasiirku wuxuu si gaar ah Ra’iisul Wasaaraha ugu faahfaahiyey doorkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ee ku aaddanaa qalabeynta iyo qabanqaabada munaasabadda daah-furka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey hirgelinta Matxafka taariikhiga ah ee Carta, isagoo xusay in booqashadii bilowga ahayd ay ka dhalatay aragtida ah in taallo Nabadeed laga dhiso, waxaana uu si gaar ah ugu bogaadiyey doorkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku lahayd qalabeynta iyo furitaanka Matxafka, kaasoo lagu daah furay 25-Guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Nabadda Soomaalida ee Carta, oo sanadkii 2000 lagu qabtay gobolka Carta ee Dalka Jabuuti.
Gebagebadii, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa guddoonsiiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, haddiyadaha uu u diyaariyey guddigii dhismaha iyo qalabeynta Matxafka Nabadda Carta, oo uu guddoomiyaha u ahaa Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Yoonis Cali Guedi.




