Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical Institute) ee magaalada Belgrade.
Waxaa halkaas ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalka Serbia, kuwaas oo warbixin ka siiyay shaqada machadka ee horumarinta tiknoolajiyadda difaaca, oo ay ku jiraan nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qalabka hubka iyo gaadiidka dagaalka.
Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaallada Soomaaliya uga jirto xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sahaminta fursadaha iskaashi ee ay la yeelanayso Saaxiibada caalamka.