Wednesday, July 30, 2025

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Ingiriiska.

Wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Danjire Charles Nicholas King, safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Ingiriiska.

Kulanka ayaa lagu lafaguray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhanka amniga, tababarada iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiir Fiqi iyo Danjire Charles ayaa si qoto dheer uga wadahadlay sidii iskaashiga labada dal uu gacan uga geysan lahaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga, la dagaalanka kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii loo dardargelin lahaa hawlaha la xiriira taageerada hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles