Thursday, December 25, 2025

Wasiirka Dekedaha XFS oo kulan la qaatay wasiirka warshadaha Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa maanta magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Tiknoolajiyada ee Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Mehmet Fatih Kacir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada hal-abuurka, horumarinta tiknoolajiyada casriga ah, iyo dhiirrigelinta dhallinyarada

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Türkiye ku leedahay qabanqaabada TEKNOFEST 2025, oo ah bandhigga ugu weyn caalamka ee duulista hawada, dayax-gacmeedyada iyo tiknoolajiyada casriga ah. Wasiirku wuxuu xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta kaabeyaasha dekedaha iyo tayeynta adeegyada gaadiidka badda ee Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles