Wednesday, October 29, 2025

Wasiirka Cadaaladda oo furay kulanka Xeerarka Cadaaladda iyo Garsoorka.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta furay kulanka wadatashiga ee labada xeer ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Taxkiimka (Arbitration Law) iyo Xeerka Caddeymaha (Evidence Law) kaas oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno sare oo ka kala socday Bahda Cadaaladda Khubaro sharci iyo wakiillo ka socday kulliyadaha sharciga ee jaamacadaha dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kulankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo nidaamka garsoorka iyo sharciyada dalka, islamarkaana la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah loona xoojiyo kalsoonida maalgashadayaasha.

Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda labada xeer ayaa sheegay in Xeerka Taxkiimka uu muhiim u yahay xallinta khilaafaadka ganacsi iyo dhiirrigelinta maalgashi ammaan ah, halka Xeerka Caddeymaha uu yahay laf-dhabarka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay sida Wasaaradda uga go’an tahay in la sameeyo sharciyo waafaqsan xeerarka Caalamiga ah oo ku dhisan aqoon, waayo-aragnimo iyo wadatashi dhab ah, si ay u noqdaan kuwa taageera dowlad wanaagga, cadaaladda,horumarka iyo sumcadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles