Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee dalalka ku mideysan Gobolka Bariga Mediterranean-ka, kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Shirkan sanadlaha ah ayaa ah madal muhiim ah oo ay isugu yimaadaan wasiirrada caafimaadka ee dalalka xubnaha ka ah WHO/Bariga Mediterranean-ka, si ay uga wada hadlaan caqabadaha iyo fursadaha horumarinta caafimaadka gobolka.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo halkaas khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay culeyska uu gobolka wajahayo xilligan, gaar ahaan saameynta hoos u dhaca maalgelinta caafimaadka (fund cuts), isaga oo ku baaqay in la xoojiyo isku tashiga iyo iskaashiga dalalka gobolka, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo waara.
Soomaaliya oo door muuqda ka ciyaarta iskaashiga gobolka, ayaa sii xoojinaysa dadaalka ay ugu jirto in la gaaro yoolalka caafimaad ee Qaran iyo kuwa Caalami ah, iyadoo la jaanqaadaysa isbeddellada caalamka.