Sunday, December 21, 2025

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS oo Muqdisho ku soo laabtay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Hon Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho kadib labo bil oo uu howl qaran oo maamul dhismo ah ugu shaqeynayay magaalada Laascaanood.

Mudane wasiir Cali Xoosh ayaa inta uu joogay Laascaanood ku guuleystay dhismaha Dowlad Goboleedka waqooyi Bari Soomaaliya oo dhameystirka hannaankaasi loo xilsaaray, hormuudna ka ahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, tallaabadan oo qeyb ka ah federaaleynta dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh iyo wafdiga la socday oo goleyaasha dowladda federalka ahaa ayaa waxaa soo dhoweyn iyo maamuus loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyada oo ay halkaas kusoo dhoweeyeen hoggaanka Wasaaradda sida; Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow, Wasiir Kuxigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallin iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles