Monday, February 16, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u furay kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab, isaga oo ka hadlay ahmiyadda mashruucan uu u leeyahay dowlad-dhiska dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Mashruuca Dowlad-Kaab uu yahay tiir muhiim u ah ajendaha dowlad-dhiska, gaar ahaan xoojinta dowladaha hoose. Wuxuu tilmaamay in tan iyo markii mashruuca la bilaabay la gaaray horumarro wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin:

Dhammaystirka iyo hirgelinta siyaasado iyo habraacyo heer Federaal, Dowlad-Goboleed iyo degmo, sida Siyaasadda Qaran ee Maamul-Daadejinta, Xeerka Ururka Dowladaha Hoose, iyo istaraatiijiyadaha iyo habraacyada maaliyadda iyo adeeg-bixinta.
Xoojinta nidaamyada maaliyadeed, iyadoo la hirgeliyay hannaan casri ah oo lagu maareeyo dakhliga iyo kharashaadka si loo helo isla-xisaabtan dhab ah.Kor u qaadidda awoodda shaqaalaha wasaaradaha, Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka mashruucu taageero.

Horumarinta nidaamyada dijitaalka ah si loo fududeeyo adeeg-bixinta loona yareeyo dib-u-dhacyada iyo khaladaadka.

Degmooyinka uu mashruucu ka shaqeeyo oo dhammaantood ku daray qoondo lacageed oo dhan 3% kharashaadka mashruuca, taas oo muujinaysa lahaansho iyo ka-go’naansho.

Wasiir Cali Xoosh ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Mashruuca Dowlad-Kaab uusan ahayn oo keliya mashruuc horumarineed, balse uu yahay hannaan lagu dhisayo kalsoonida shacabka iyo dowladnimada dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles