Friday, January 16, 2026

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ”“Aqoonsiga Israa’iil waa nasiib darada ugu weyn ee ku dhici karta Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan oo ka hadlayay arrimo badan oo caalamka ayaa nasiib daro weyn oo ku dhacday Somaliland ku tilmaamay aqoonsiga ay israa’iil siisay jamhuuriyadda iskeeda madaxbanaanida ugu dhawaaqday.

Isaga oo ka hadlaya ayuu yiri “Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaada bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.”

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles