Wednesday, November 12, 2025

Wasiir Xoosh oo la kulmay odayaasha dhaqanka ee beelihii dhawaan ku dagaallamay Wanlaweyn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulamo gaar ah la qaatay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha dhawaan ku dagaallamay Wanlaweyn.

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladda deegaannada ay colaaddu ka socoto, dadaallada dib-u-heshiisiinta ee socda iyo sidii loo xallin lahaa arrimaha khilaafka keenaya iyo sidii looga gaari lahaa xal waara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS, Mudane Cali Xoosh, oo madasha ka hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khasaaraha ka dhashay colaadda, isaga oo soo qaatay qiimaha ay diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed siiyeen ilaalinta nafta, hantida iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo nabadda, walaaltinimada iyo wada-noolaanshaha.

Mudane Wasiir Cali Xoosh ayaa hadalkiisa ku soo gebogebeeyay in cid kasta gaar ahaan odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ay mas’uuliyad ka saaran tahay koryeelidda qiimaha wadahadalka, nabadaynta iyo is-cafinta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles