Saturday, December 20, 2025

Wasiir Fiqi oo guddoomiyey kulan ku saabsan miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga 2026.

Wasiirka wasaaradda  gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan looga doodayay miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee sanadka 2026. Kulanka waxaa goob-joog ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka socday Taliska CXD.

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu falanqeeyay qodobbo ay ka mid ahaayeen qorshayaasha dhow iyo kuwa dhexe ee Wasaaradda, iyadoo la isku waafaqay in mudnaanta la siiyo hufnaanta iyo qorsheyn cad oo lagu fulinayo miisaaniyadda 2026.

Wasiirka gaashaandhiggu waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Wasaaradda uga go’an tahay isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Waxa uu xusay in natiijooyinka kulankan ay hagi doonaan hirgelinta barnaamijyada iyo dib-u-habaynta sanadka soo socda.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles