Thursday, December 12, 2024

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guusha Dowladda Federaalka ee soo afjaridda khilaafka kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya.

 Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay soo afjaridda isku day halis ku ahaa qaranka, kadib hal sano oo shaqo adag ah.

“Hal sano oo shaqo adag ah ka dib, waxaan iska xirnay isku day halis ku ahaa qaranka. Waxay ahayd xil-gudasho adag oo miro-dhal noqotay. Waxaa mudan mahad oo dhan Alle weyn, ka dib madaxda qaranka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee midnimada iyo mowqifka adag ku difaacay dalkooda. Insha’Allah, qarankeennu wuu guuleysanayaa wuuna ka gudbi doonaa caqabadaha,” ayuu yiri Wasiirka.

Hadalkan ayaa yimid xilli magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, una dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Shirka, oo saacado badan socday, ayaa labada dhinac ku heshiiyeen in labada dal ay ku dhaqmaan is-qaddarin, dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles