Thursday, October 16, 2025

Wasaaradda Qorshaynta iyo WFP oo yeeshay kulan ku saabsan Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Hay’adda 2026–2030

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa kulan ku aaddan wadatashiga Qorshaha Istiraatiijiyadda 5-sano ee soo socota la yeelatay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP).

Kulanka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire iyo Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya, Mudane El-Khidir Daloum.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo Qorshaha Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay (2026–2030) si loo hubiyo iswaafajinta yoolalka labada dhinac.

Madaxda Hay’adda WFP ee Soomaaliya, ayaa waxay soo bandhigeen casharradii laga bartay Qorshaha 2022–2025 iyo jihada cusub ee qorshaha 2026–2030, waxayna dhinacyadu bogaadiyeen wada-shaqeynta iyo ka go’naanta labada hay’adood ee ku aaddan taabbagelinta ajandaha horumarineed ee Soomaaliya

Waxaa sidoo kale lagu muujiyay kulanka muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo lahaanshaha Qaranka, qorsheynta ku dhisan xogta iyo ka-qaybgalka bulshada si loo horumariyo nidaamyada cuntada iyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles