Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay Kulanka Dardargalinta Dakhliga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Kulankan oo ka dhacay magaalada balcad ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta iyo fahamka arrimaha dakhliga gudaha. Waxaa sidoo kale la qabtay Taxpayers Forum oo ay ka soo qeyb galeen ganacsatada kala duwan ee magaalada Balcad
Howlahaan ayaa qeyb ka ah qorsheyaasha istiraatiijiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda, qaybtiisa Dardargalinta Dakhliga Gudaha.
Ujeeddada Kulanka ayaa ahaa:
- Kobcinta dakhliga gudaha ee Hirshabelle si loo horumariyo adeegyada bulshada.
- Wacyigelinta canshuur bixiyayaasha oo ay kamid yihiin ganacsatada, si loo xaqiijiyo doorkooda kobcinta dhaqaalaha.
- Kor u qaadista xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo bulshada ganacsiga.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Abdirahim Isse Addow waxaana ku wehliyay Agaasimaha Guud Wasaaradda Maaliyada DowladaHirshabelle Mudane Abdullahi Salah Mudey,
Mas’uuliyiinta ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda canshuur bixinta, iyadoo la xoojiyay doorka lagu horumarinayo maamul wanaagga iyo is-maamul dhaqaale.
Ganacsatada ka qeyb gashay kulanka ayaa soo dhaweeyay dadaallada Wasaaradda, waxayna balan qaadeen inay taageerayaan qorsheyaasha lagu dardargelinayo dakhliga gudaha.
Kulankan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyadda ee lagu xaqiijinayo horumar dhaqaale iyo kobac waara oo ka hirgala dowlad goboleedka Hirshabelle.