Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay maamulka degmada Balcad qalab casri ah oo loogu talagalay dardargelinta adeegyada diiwaangelinta dadweynaha (CRVS).
Qalabkan ayaa loo qoondeeyey in lagu fududeeyo diiwaangelinta carruurta ku dhalata xarumaha caafimaadka iyo adeegyada diiwaangelinta madaniga, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu mideynayo nidaamka diiwaangelinta dadweynaha ee guud ahaan dalka.
Munaasabadda wareejinta ayaa ka dhacday magaalada Balcad, waxaana qalabka guddoomay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Degmada Balcad, ahna ku-simaha Duqa magaalada, Mudane Axmed Maxamed Cabdullahi, oo uu weheliyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Balcad, Mudane Cabdixakiin Xuseen Islow.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Mudane Nuur Xasan Muuse, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey qalabka maamulka degmada Balcad, isaga oo sheegay in tallaabadani ay wax weyn ka tari doonto horumarinta iyo casriyeynta adeegga diiwaangelinta dadweynaha ee degmada.
Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah hirgelinta nidaam isku dhafan oo lagu kaydinayo xogta muwaadiniinta, taas oo qayb ka ah qorshaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee ku aaddan xoojinta adeegyada dowliga ah iyo maamulka casriga ah ee degmooyinka.




