Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa weli wajahaysa xiisad dagaal kadib iska horimaad culus oo shalay halkaasi ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa magaalada Beledxaawo, waxaana laga cabsi qabaa in dhinacyada ay isku dhacaan, maadaama gurmad ciidan ay kala heleen.
Wararka ayaa sheegaya in magaalada Beledxaawo ay si buuxda gacanta ugu jirto ciidanka Jubaland, halka Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisa ay ku sugan yihiin xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada, Waxaa la sheegaya in laga cabsi qabo dagaal kale oo halkaas ka qarxa.
Isgaarsiinta magaalada ayaa hawada ka maqan, iyadoo dadku isticmaalayaan adeegyada isgaarsiinta Safaricom ee Mandheera. Xiisadda ayaa ah salka ku haysa khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda Federaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay xaalada ay degan tahay, balse cabsi xooggan ay dareemayaan dadka deegaanka.
Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa midba midka kale ku eedeynaya in xiisad ay ka abuurayaan magaalada Beledxaawo