Weeraryahanka reer Sweden Viktor Gyökeres ayaa taageero u muujiyay saaxiibkiisa xulka qaranka, Alexander Isak, kaas oo si muran badan uga tagay Newcastle United,isagoo ku biiray Liverpool.
Laakiin mararka qaar marka ciyaaryahan aan loo baahnayn, xaaladdu si kale bay isu beddeshaa – awoodna ma laha. Kooxdu waxay samayn kartaa wax kasta,” ayuu yiri Gyökeres, isagoo tixraacaya saaxiibkiisa xulka Sweden.
Gyökeres ayaa carabka ku adkeeyay in ciyaartoy badan aysan awood weyn ku lahayn go’aannada suuqa kala iibsiga, gaar ahaan marka kooxaha ay u arkaan kuwo dheeraad ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku ammaanay Isak xirfaddiisa iyo sida uu ula tacaalay cadaadiska, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar mustaqbalkiisa dambe.
Isak ayaa Liverpool ugu biiray heshiis rikoor ah oo dhan £125 milyan, kaas oo ka dhigay saxiixii ugu qaalisanaa taariikhda Reds.