Wednesday, September 3, 2025

UK oo wax ka badashay sida muhaajiriinta ay qoysaskooda ku keenaan dalka

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in ay si kumeel gaar ah u joojineyso habka muhaajiriinta ay ku keenaan qoysaskooda.

Xoghayaha arrimaha gudaha UK, Yvette Cooper ayaa go’aankan oo hirgalayo toddobaadkan ku sheegtay in uu la mid noqonayo sida xayiraadaha kale ee saaran dadka kale.

Tani waxay ka dhigan tahay in sanadkii ay soo gasho £29,000 qofka doonaya in uu qoyskiisa keeno iyo sidoo kale dadka uu keenayo in ay luuqada wax ka yaqaanaan.

Shalay ayey Yvette Cooper sheegtay in dowladda ay si kumel gaar ah u hakisay nidaamkii qaxootiga u ogolaanayay in ay si shuruud la’aan ku keenaan UK xubno ka tirsan qoyskooda.

Muhaajiriina doonaya in ay keenaan dalka xubno ka tisan qoyskooda waxay wajahayaan caqabado badan nidaamkan cusub.

Waxaa sidoo kale la filyaa in sanadkan wax kale oo dheeri ah lagu sii daro sida ay ku keenayaan qaxootiga qoysaskooda.

Dowladda UK waxaa haystsa cadaadis balaaran oo ku saabsan sida ay u maareyso qaxootiga iyo maganglayo doonka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles