Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay, 55 kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii mashiin dhismo oo culus uu ku dhacay tareen rakaab ah waqooyiga bari ee Thailand.
Shilkan ayaa dhacay subaxnimadii Saakey Arbacada ahyd ee degmada Sikhio, gobolka Nakhon Ratchasima, oo qiyaastii 230km (143 mayl) u jira Bangkok. Tareenku wuxuu ka ambabaxayay caasimadda Thailand una socday gobolka Ubon Ratchathani.
Sida uu sheegay wariyaha Al Jazeera, Tony Cheng, tareenku wuxuu marayay hoosta goob dhisme oo loogu talagalay tareenka xawaare sare, markii mashiinka dhismaha ee kor-u-qaadaya alaabta uu si lama filaan ah u dhacay.
“Tareenku markii uu la dhacay mashiinka wuu ka baxay dariiqa, dabna wuu kacay,” ayuu yiri Cheng.
Tirada dhimashada ayaa markii hore la sheegay in ay tahay afar qof, balse si degdeg ah ayay u korodhay ilaa 12 qof. Booliska Thailand ayaa hadda xaqiijiyay in dhimashadu gaartay 22 qof, waxaana la filayaa in tiradu ay sii kordho.
Dadka dhaawacmay oo tiradoodu gaareyso 55 qof ayaa la geeyay isbitaalada, halka gurmadka goobta uu weli socdo. Dabkii ka kacay shilka ayaa la damiyay, waxaana socda howlgallo badbaado oo xooggan.




