Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga, Metin Tokel, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga milateri ee labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta tababarada ciidamada, tayeynta xirfadaha askarta iyo kor u qaadista guud ahaan awoodda difaaca ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo wada-shaqaynta howlgallada si loo gaaro amni waara iyo horumar milatari.
Taliyeyaasha ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada hadlay doorka muhiimka ah ee Turkiga ka qaato dib u dhiska iyo casriyeynta ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo taageerada farsamo.
Gebagebadii kulanka, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Turkiga garab istaagga joogtada ah iyo taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, taasoo si weyn uga qayb qaadatay dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.




