Monday, February 23, 2026

Taliye M.Mahdi oo shir guddomiyay Shirka Amniga Caasimada.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen dhammaan saraakiisha Booliska Caasimadda.
Shirka ayaa lagu qiimeeyay xaaladda amniga, iyadoo Taliyuhu ka dhageystay saraakiisha warbixinno ku saabsan dhacdooyinkii toddobaadkii tagay iyo howlgalladii la fuliyay.
Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshayaal lagu xoojinayo amniga, laguna dardargelinayo la-dagaallanka maandooriyaha iyo falalka anshaxa lidka ku ah.
Waxaa la isla qaatay in la kordhiyo howlgallada joogtada ah, lana xoojiyo wada-shaqeynta laamaha kala duwan iyo bulshada si loo helo amni waara.
Ugu dambayn, Taliyaha ayaa faray saraakiisha in la laba-jibaaaro dadaallada sugidda amniga Caasimadda, si bulshada ay bisha barakeysan ee Ramadaan ugu dhammeystaan jawi nabdoon oo xasilloon.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles