Taliyaha Xabsiyada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ahna Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, S/Guuto Daahir Cabdulle Raage, oo wakiil ka ah Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Xabsiyo iyo Talisyo ay leeyihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku yaalla deegaannada waqooyi Bari.
Booqashadaasi ayaa ujeeddadeedu ahayd kormeer, qiimeyn iyo dhiirrigelin lagu dardargelinayo howlaha shaqo, adkeynta anshaxa iyo tayeynta adeegyada ay bixiyaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran u soo dhaweeyay masuuliyiinta kala ah:
G/sare Maxamed Cabdi Jaamac, Taliyaha Ciidanka Asluubta Waqooyi Bari
G/Dhexe Jaamac Maxamed Ashkir, Taliye-xigeenka
G/Dhexe Farxaan Aadan Jaamac, Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Gobolka Sool
G/Le Rooble Saleebaan Maxamuud, Taliyaha Xabsiga 1-aad ee Degmada Laascaanood
G/Le Nuuradiin Cawil Jaamac, Taliyaha Xabsiga 2-aad ee Degmada Laascaanood
Intii uu kormeerku socday, S/Guuto Daahir Cabdulle Raage ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada, isagoo ku boggaadiyay dadaalkooda, kuna dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan ilaalinta sharciga, xuquuqda maxaabiista iyo waajibaadka shaqo ee saaran.
Ugu dambayn, Taliyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn, midnimo iyo kor u qaadidda kartida shaqo ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, si loo gaaro himilooyinka amni iyo cadaalad ee Qaranka.




