Friday, August 1, 2025

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya oo Booqday Ciidamada Kenya ee kusugan Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), Sarreeye Guuto David Keter, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay ciidamada Kenya ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya qaybta hawlgalka AUSSOM, si uu u qiimeeyo hawlgallada socda uguna dhiirrigeliyo moraalka ciidanka.

Sarreeye Guuto Keter ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta Labaad ee AUSSOM, Edward Banda, iyo Ku-xigeenka, Colonel Samson Kenga, Wafdiga ayaa booqday saldhigyada muhiimka ah ee ku yaalla magaalooyinka Dhobley, Afmadow iyo Kismaayo.

Intii lagu guda jiray booqashada, Lt. Gen. Keter wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hawlgalka AUSSOM ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab, xasillinta deegaannada la xoreeyay, iyo xoojinta awoodda ciidanka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan amniga qaranka.

Taliye Banda ayaa soo dhaweynta taliyaha ku tilmaamay mid ku soo beegantay xilli habboon, taas oo kor u qaaday niyadda ciidanka.

Waxa uu sidoo kale mar kale xaqiijiyay in Qaybta Labaad ee AUSSOM ay si buuxda uga go’an tahay gudashada waajibaadkeeda sida lagu sheegay war ay soo saareen AUSSOM.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles