Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil, ciidamo iyo hub dheeraad ah geysay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka kala dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka gaarka ah ee booliska Haramcad, Cabdi Xakiin Ceeldheer, iyo saraakiil kale oo ciidan ayaa maanta tagay magaalada Baraawe, kuwaas oo ku biiray cutubyo horey ugu sugnaa magaalada.
Dhaqdhaqaaqyada cusub ee ciidamada ayaa muujinaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn u xoojinayso joogitaankeeda Baraawe, iyadoo la sheegayo in halkaasi laga wado abaabul ciidan oo ka dhan ah maamulka Koofur Galbeed, kaas oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo dowladda dhexe.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ciidamada la geeyay ay isugu jiraan kuwa Haramcad iyo cutubyo kale oo ka tirsan booliska iyo militariga, kuwaas oo wata hub kala duwan, iyadoo magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaq ciidan oo xooggan.
Xiisadda u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii dambe sii xoogeysaneysay, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho mid amni oo halis ah.




