Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka oo xoogga lagu saarayo wax ka qabashada iyo ka hortagga dembiyada Haweenka laga galo.
Munaasabadda ayaa waxa goobjoo ahaa sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda iyo Haweenka gobolka Banaadir.