Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku biiraysa Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EALA), taas oo la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan in dalku si buuxda uga mid noqdo urur goboleedkan.
Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, ayaa magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona xulista iyo doorashada xildhibaanada ku matali doona Soomaaliya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Guddiga ayaa loo xil saaray inay soo xulaan musharaxiinta u tartamaya xubinnimada baarlamaankaas, sidoo kale ay diyaariyaan liiska xubnaha buuxiyay shuruudaha, ka dibna u gudbiyaan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay uga gutaan waajibaadkooda.
Guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku amray guddiga inay si degdeg ah u bilaabaan shaqadooda, iyadoo dowladdu ballanqaadday in la fududeyn doono dhammaan arrimaha ku xeeran howlgalka guddigan.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta matalaadda siyaasadeed ee Soomaaliya ee gobolka Bariga Afrika, isla markaana muujineysa in dalka uu ku socdo waddadii isdhexgalka iyo iskaashiga goboleed.