Saturday, January 31, 2026

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi, caasimadda Jamhuuriyadda Hindiya, si uu uga qeyb galo Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta iyo Hindiya (Indian Arab Meeting of Foreign Ministers). Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkaasi wuxuu ujeedkiisu yahay xoojinta wada-hadalka siyaasadeed, ballaarinta iskaashiga dhaqaale, iyo horumarinta iskaashiga Koonfur-Koonfur (South-South Cooperation).

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee India Gandhi kusoo dhoweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Hindiya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Odowaa, masuuliyiin sare oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya, iyo Dr. Suresh Kumar, oo matalayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Hindiya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles