Sunday, October 26, 2025

Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeeshay wada hadallo lagu sii xoojinayo xiriirkooda labo geesoodka ah.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yeeshay wado wadahadallo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, kaddib markii ay soo afjareen colaaddii u dhaxaysay muddo sanad iyo wax ka badan ka hor, taas oo lagu guuleystay kaddib dhexdhexaadin uu sameeyay Turkiga, taasoo horseeday Heshiiskii Ankara ee la gaaray bishii December 2024.

Wada hadalladan ayaa dhexmaray Gedion Timoteos, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, iyo Cali Maxamed Cumar, wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo ku sugan Itoobiya si uu uga qayb galo Shirweynaha Tana, kaas oo looga hadlayo “amniga Afrika.”

“Labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyagoo ku heshiiyay in la sii wado wada shaqeynta joogtada ah. Sidoo kale waxay ka wada xaajooden istiraatiijiyadaha iskaashiga ee ku aaddan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), waxayna mar kale adkeeyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan dagaalka lagula jiro argagixisada gobolka,” ayaa lagu yiri warsaxafaadeed kooban oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu todobaad iyo wax yar ka hor booqday Itoobiya, taas oo qeyb ka ahayd dadaallada labada dal ay ku doonayaan in lagu xoojiyo xiriirkooda.

Intii lagu jiray sanadkii 2024, Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu xiriirkoodu aad u xumaaday sababa la xiriira is-fahamka dhinaca badda (MoU) oo ay Itoobiya la saxiixatay maamulka Somaliland 1-dii Janaayo 2024.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles