Wednesday, July 30, 2025

Somaliland oo sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay burburisay mabaadi’dii wadahadalka.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelisay gobollada Sool iyo Sanaag, taasina ay burburisay mabaadi’dii aasaaska u ahaa wadahadaladii u socday. Sidoo kale, waxa ay ka warbixisay waxay ay ka yeelayso isfahankii dhexmaray Itoobiya.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi (Looge), oo waraysi gaar ah siiyay Galaydh Media, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wadahadaladu ay xal u noqon karaan is-fahan xumada ka dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, balse dowladda federaalku ay ka baxday ballanqaadyadii.

“Waxaan aaminsanahay in wadahadaladu ay xal u noqon karaan mashaakilaadka ballaadhan ee inaga iyo Soomaaliya ka dhexeeya, laakiin nasiib-darro weyn bay tahay in xukuumadda fadhida Muqdisho ay baabiisay mabaadi’dii aasaaska u ahayd wadahadalka,” ayuu yidhi Wasiir Looge.

Waxa uu intaa ku daray in heshiiska wadahadallada sii wadistooda uu saldhig u ahaa in dowladda Soomaaliya aanay faragelin xuduudihii Ingiriisku u dhigay Somaliland, isla markaana labada dhinac ay u wada hadlaan si siman, balse dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay arrintaas.

“Wadahadallada aasaaskoodu waxa uu ahaa in ay wada hadlaan laba dhinac oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya. Marka mabaadi’dii ay ku fadhiday oo ahayd in si siman loo wada hadlo ayay Soomaaliya burburisay. Laascaanood ayay timid, dagaal bay ka riday, Sanaagna waa aynu ognahay. Sidaas darteed, maanta dariiqii wadahadal lagu tagi lahaa nooma muuqdo,” ayuu yidhi Wasiir Looge.

Wadahadallada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socday muddo tobanaan sano ah, hase yeeshee ilaa hadda lagama gaadhin wax natiijo ah oo la taaban karo.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sii wadista is-fahankii u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu dhawaan safar ku tagi doono Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, si ay uga wadahadlaan xidhiidhka labada dhinac, heshiisyada suurto-galka ah, iyo waxa laga yeelayo is-fahankii sannadkii hore dhexmaray Hargeysa iyo Addis Ababa.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay warbaahinta qaar sheegayaan in uu burburay heshiiskii Ankara ku dhexmaray madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ilaa hadda aan la hirgelin tan iyo markii markii la shaaciyay.

Sidoo kale, waxaa dhawaan dib u cusboonaysiiyay xidhiidhkooda dowladdaha Soomaaliya iyo Masar,  labada dhinacba ayaa ka midaysan diidmadooda in Itoobiya ay joogitaan ka hesho Badda Cas – arrintaasi oo laga yaabo inay markale mugdi geliso xidhiidhka u dhexeeya Addis Ababa iyo Muqdisho.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles