Wednesday, November 26, 2025

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad, kaasi oo ka soconaya magaalada Muqdisho.
Shirweynahan, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta daaran dood cilmiyeedyo kala duwan, kuwaas oo diiradda lagu saarayo kaalinta dawlad-wanaagga ee xasiloonida iyo horumarinta bulshada. Sidoo kale, waxaa shirweynaha lagu soo bandhigay doodo gaar ah oo looga hadlayo horumarka amniga dalka iyo guulaha ciidamada Xoogga Dalka ay ka gaareen Khawaariijta.
Shirweynaha waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Muqtaar Roobow, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BJFS, iyo culumaa’udiin ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka.
Ka qeyb galayaasha shirweynaha ayaa qeyb ka ah doodaha, iyaga oo su’aalo weydiinaya culimada, borofisarada, iyo aqoonyahannada ka qeyb galaya dooda.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles