Monday, October 13, 2025

Shirkii nabadda Qasa oo maanta ka furmaya Masar.

Wadahadallo aan toos ahayn oo lagu doonayo in heshiis dhammeystiran laga gaaro qorshaha nabadeed ee Mareykanka uu ku joojinayo dagaalka Qasa ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Talaado ah ka sii socdo magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Masar ayaa BBC-da u sheegay in fadhiyada diiradda lagu saarayo “abuurista xaaladaha” in la is dhaafsado in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa’iil si loogu beddelo tiro maxaabiis ah oo Falastiiniyiin ah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa Sabtidii sheegay in uu rajeynayo in uu ku dhawaaqo sii deynta la haystayaasha “maalmaha soo socda”.

Iyadoo mas’uuliyiintu ay kulmeen Isniintii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Aqalka Cad: “Runtii waxaan haysannaa fursad wanaagsan oo aan heshiis ku gaarno, wuxuuna noqon doonaa heshiis waara.”

Xamaas ayaa sheegtay inay oggolaatay soo jeedinta qorshaha nabadda qayb ahaan, laakiin kama aysan jawaabin dhowr dalab oo muhiim ah – oo ay ku jiraan hub ka dhigisteeda iyo inaysan wax door ah ku yeelan mustaqbalka maamulka Qasa.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles