Friday, January 16, 2026

Shirkado kamid ah kuwa wax-soo-saarka beeraha oo la siiyay lacago maalgalin ah.

Maamulka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa deeq lacageed guddoonsiisay 10 shirkadood oo ku guuleystay hal abuurka iyo horumarinta wax soo saarka ee beeraha dalka.

Xafladdii bixinta lacagahaasi oo ka dhaday xarunta wasaaradda waxaa ka qeybgalay xubno ka socday wasaaradda beeraha,iskaashatoyinka beeraha,ardayda jaamacadda,maalgaliyayaal iyo marti sharaf kale.

Mashruucaan oo ay iska kaashadeen World bank iyo hey’ado kale oo maalgaliyaal ah waxaa wajigii koowaad lagu bixiya lacago shan kun oo doolar ah,kuwaas oo la siiyay 10 shirkadood oo kuwa wax soo saarka ah.

Bixinta deeqdaasi lacageed ayaa aheyd mid lagu dhiirigalinayay shirkadaha kaalinta hore ka galay hal-abuurka iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha ee dalka .

Munaasabaddaasi waxaaa hadallo kooban ka jeediyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha Asad C/risaaq Maxamed,Agaasimaha Guud Maxamed Xasan C/lle iyo qaar kamid ah xubno ka socday 10 shirkadood.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles