Saturday, December 20, 2025

Shirka Wadatashiga Waxbarashada oo Maalintii labaad ka socda magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa maalintii labaad ka socda Shirka Wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya, kaas oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo looga hadlayo horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, waxaa ka qaybgalaya Wasiirrada Waxbarashada dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XJFS, Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, ayaa sheegay in shirka lagu gaari doono go’aanno muhiim u ah mustaqbalka waxbarashada Soomaaliya.

 

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles