Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta ka fumay xarunta Midowga ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Furitaanka shir-madaxeedka waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamed Cali Yuusuf, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.), Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, hoggaamiyeyaasha Afrika iyo marti sharaf kale.
Shir-madaxeedka waxaa lagaga dooday mawduuca ah”Hubinta helida khayraadka Biyaha iyo Nadaafadda Waarta; Gaarista Yoolalka Ajandaha 2063″.
Madaxdu waxay ka wada hadli doonaan ajendayaasha laga wada hadlay Kalfadhiga Caadiga ah ee 48aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika.
Amniga Biyaha iyo ilaalinta, Nadaafadda, hirgelinta Ajandaha 2063 iyo isku xirka qaaradda, horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha, horumarinta kheyraadka aadanaha, dib-u-habaynta hay’adaha iyo maaliyadda, iskaashiga gobolka iyo doorka Afrika ay kuleedahay masraxa adduunka ayaa ka mid ah qodobbada ajendaha.
Shir-madaxeedka 39aad ee Caadiga ah ee Midowga Afrika (AU) ayaa sii socon doona ilaa berri.




