Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa furay kulanka Guddiga Hagidda (Steering Committee) ee mashruuca SNA 3 oo uu maalgeliyo Sanduuqa Nabadda ee Midowga Yurub (EPF) si loo xoojiyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda furitaanka waxaa goob-joog ka ahaa Lataliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Haji, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Midowga Yurub.