Sunday, October 12, 2025

Shiinaha oo Maraakiib Dagaal u soo dirtay Gacanka Cadmeed iyo Biyaha Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa shaacisay in cutub cusub oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka Shiinaha (PLA Navy) uu u amba baxay Gacanka Cadmeed iyo biyaha ku dhow Soomaaliya, si ay u gutaan howlgal ilaalin ah oo lagu difaacayo maraakiibta ganacsiga iyo marinada muhiimka ah ee caalamiga ah.

Maraakiibtan dagaal, oo sabtidii ka soo shiraacday deked ciidan oo ku taalla bariga Shiinaha, ayaa ka kooban bur-buriyaha gantaalaha hagaya ee Tangshan, doonta dagaal ee Daqing, iyo markabka sahayda ee Taihu, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Difaaca Shiinaha, Jiang Bin.

Afhayeenka ayaa sheegay in tani ay tahay cutubka 48aad ee hawlgallada ilaalinta (escort task group) ee Shiinuhu ka fuliyo biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, taasoo bilaabatay tan iyo sanadkii 2008, si looga hortago burcad-badeedda iyo khataraha amni ee ka jira marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

“Howlgalladani waa caddeyn muuqata oo muujineysa sida Shiinuhu uga go’an tahay dhismaha bulsho baddeed oo ay wadagaan dhammaan dalalka caalamka, iyo ilaalinta xasilloonida iyo nabadda gobolka,” ayuu yiri Jiang Bin.

Gacanka Cadmeed waa mid ka mid ah marinnada ugu istaraatiijisan adduunka, oo isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, isla markaana uu maro qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga iyo shidaalka caalamka.

Soomaaliya, oo xeebteeda dheer ay ku taallo meel istaraatiiji ah, ayaa ka faa’iideysa joogitaanka ciidankan Shiinaha dhowr dhinac:

Joogitaanka PLA Navy waxay yaraynaysaa khataraha burcad-badeedda iyo falalka budhcad-badeednimo ee weli halis ku ah maraakiibta ganacsiga ee maraysa xeebaha Soomaaliya.

Tallaabadani waxay xoojineysaa xiriirka amni iyo diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo muujineysa in Shiinuhu door firfircoon ku leeyahay badbaadada gobolka.

Nabadgelyada biyaha waxay dhiirrigelisaa ganacsiga, kalluumeysiga iyo maalgashiga dekedaha Soomaaliyeed, taas oo mustaqbalka kor u qaadi karta dhaqaalaha dalka.

Howlgalka cusub ayaa la filayaa inuu billowdo bartamaha bisha October, iyadoo maraakiibta Shiinuhu ay mar kale muujiyeen doorkooda sii kordhaya ee ilaalinta xasiloonida badda ee Bariga Afrika iyo Gacanka Cadmeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles